Aqoon-Kororsigii Xubnaha CYL

Bishii May 25 keedii illaayo 26keedii, waxaa magalaada Nairobi ka dhacay aqoon korosi ay soo qabanqaabisay Central Youth Link, kaasoo ay ka faa’iideysteen 16 qof oo badankood xubno ka ah ururka dhallinta Soomaaliyeed ee Central Youth Link. Aqoon-kororsigaan oo ay bareyaal ka ahaayeen Christiane Seehausen oo ka socotay Xarunta Nabadda iyo Wadahadalka ee Nansen, taasoo fadhigeedu yahay Lillehammer, Norway iyo Jaalle Stanley oo ka socday JP-Network ayaa lagu qaadaa-dhigay saddex (3) mowduuc oo muhiim ahaa, kuwaas oo kala ahaa: b) Wada-xaajoodka, t) Xallinta iyo ka hortagga khilaafka, iyo j) Xiriirka iyo Hoggaaminta.

Aqoon-Kororsigaan ayaa gogoldhig u ahaa, dadaal ay CYL ku doonayso in ay ku tababarto kuna soo saarto tababareyaal badan oo dhallinyaro ah, aqoona u leh mowduucyada kor ku xusan. Barnaamijka lagu tababarayo tiro door ah oo kor u dhaafaya 40 qof, ayaa lagu wadaa in uu dhaco bilowga sannadka foodda inagu soo haya ee 2014 ka, haddii Alle idmo, kaasoo lagu wado in uu ka dhaco, caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, iyo magaalo madaxda MG ka Puntland ee Garowe.

CYL waxaa ka go’an dhiiro galinta iyo abaabulka dhallinta Soomaaliyeed, si loo soo celiyo doorkii wanaagsanaa ee lagu aqoon jiray dhallinta Soomaaliyeed, isla mar ahaantaasna looga gudbo qabyaaladda iyo reeraysiga. Waxaa xasuus mudan doorkii ku dayashada mudnaa ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay qaateen waqtigii gobonimo doonka intii u dhaxaysay 1940kii-1960kii, iyo ol-olihii horumarinta Af-Soomaaliga ee 1974kii-1975kii.

This entry was posted in Youth. Bookmark the permalink.

Faalo ka bixi