Doodwadaag

Xarunta Isku-Xirka Dhallinta (XIDH) – Warbixin shaqo – 03/10/2011

Hordhac

Xarunta Isku-Xirka Dhallinta(XIDH) waa urur dhallinyaro ah oo u taagan saddex ulajeeddo:

  1. Isku xirka dhallinta Soomaaliyeed dal iyo dibad si ay aayaha dalkooda iyo dadkooda uga tashadaan.
  2. Soo-celinta, noolaynta, taynta iyo sare uqaadidda hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
  3. Ka-dhaadhicinta iyo fahansiinta dadka Soomaaliyeed in ay ayagu leeyihiin aaya ka talinta iyo go’aan ka-gaaridda dalkooda.

Ulajeedka Aqoon is weydaarsiga

Ulajeedka aqoon is weydaarsigaan socday halka maalin waxa uu ahaa;

  • In ka soo qaybgaleyaashu isla faaqidaan arrimaha guud ee hareeya siyaasadda dalka Soomaaliya waqtiga kala guurka ah, sida dastuurka, amniga, federaalka iyo soocelinta awoodda dadweynaha ee dhuntay.
  • In aqoonyahanka iyo dadka caadigaa isu helaan fursad ay aaraa’dooda isku dhaafsadaan iyadoo aan cidina u dhaxayn.

Taariikhdu marka ay ahayd 1da bisha Oktoobar, 2011 ayaa ururka dhallinta Soomaaliyeed ee Central Youth Link (Xarunta Isku-Xirka Dhallinta) ayagoo isticmaalyaa dhaqaalaha kasoo gala xubnahooda diiwaan gashan, waxay soo qaban qaabiyeen Aqoon isweydaarsi hal-maalin socday, kaasoo ka dhacay Hoteelka weyn ee xaafadda Islii “Grand Royal Hotel’’. Aqoon isweydaarsigaan ayaa ujeedkiisu ahaa marka laga tago arrimaha kor ku xusan, in dadka Soomaaliyeed iyo Aqoonyahankeedu is arkaan, gaar ahaan dhallinta iyo aqoonyanaka, si fool kafool ah, si ay isula qaadaa-dhigaan arrimaha quseeya dadka oo dhan (national issues).

Aqoon isweydaarsigaan oo ay marti ku ahaayeen; Dr. Ibraahim Faarax oo ka dhiga culuumta siyaasadda Jaamacadda Nairobi University, Prof. Ibraahim Sheekh Xasan oo horay wax uga dhigi Jiray Kulliyaddii Istiraatiijiyadda dalka Soomaaliya ee Axmed Gureey isla marhaantana ah nin ka faallooda arrimaha bulshada iyo siyaasadda, Garyaqaan Cabdi Shire Warsame oo horay uga soo shaqeeyay Wasaaraddii Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo Prof. Cabdi Daahir Diiriye oo ah lataliyaha madaxa Jaamacadda Muqdisho ee dhanka hurumarinta iyo tababarrada.

Aqoon isweydaarsigaan ayaa lagu falanqeeyay 4 mowduuc oo mugweyn oo kala ah:

  1. Maxaa ina hor-taagan oo tan iyo shirweynihii Carta (1999/2000) ay wax lagu diirsado u soo bixi la’ yihiin? Prof. Ibraahim Sheekh Xasan.
  2. Road-map ka maxaa ka anfaca Soomaaliya maxaase liddi ku ah masaalixdeeda? Mase yahay qorshe sida uu u qoran yahay u shaqayn kara, haddii uu shaqayn waayo maxaa dhacaya? Maxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed? Prof. Cabdi Daahir Diiriye.
  3. Maxaa ahmiyad u leh qofka Soomaaliga ah wakhti xaadirkan: dastuur ama nabadgelyo? Sidee lagu heli karaa dastuur Soomaaliyeed? Maxaa laga qaadan karaa wacyiga iyo waxyaabaha kale ee ka dhacay dunida? Maxay tahay kaalinta dadweynuhu ku yeelan karo dastuur-samaynta? Sidee awoodda/talada loogu soo celin karaa dadweynaha? Dr. Ibraahim Faarax.
  4. Nidaamka federaalka ahi ma ka dhaqangeli karaa Soomaliya? Maxay yihiin afkaaraha la kala qabo? Garyaqaan Cabdi Shire.

Kulanka oo bilowday 10:30 AM ayaa sidii ajanduhu ahaaba waxaa lagu bilaabay aqrinta aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo ducu, taasoo uu aqriyay Maxamed Nuur. Intaa kaddib, waxaa marti-sharaftii soo dhaweeyay C/qaadir Axmed oo ah Guddoomiyaha CYL. Intaa kaddib, waxaa la guda galay aqoon isweydaarsigii, kaasoo Prof. Ibraahim Sheekh Xasan uu kaga hadlay sababta tan iyo 1999 kii illaayo manta ay wax dadka Soomaaliyeed ku diirsadaan usoo bixi la’yihiin. Pro. Ibraahim wuxuu taa ku macneeyay in:

  • Dadweynaha Soomaaliyeed taladii laga maroojiyay oo aan lasiin fursad ay kusoo xushaan cidda ay jecelaan lahaayeen in ay matasho.
  • Bulshada Soomaaliyeed oo aan u bislaanin qarannimo – “qofku marba heer ayuu joogaa, mar wuxuu joogaa qoys/raas, mar wuxuu joogaa jifo/jilib, mar wuxuu joogaa qabiil, mar wuxuu joogaa heer ummadeed/bulsho/qaran, mar wuxuu joogaa heer qaaradeed, marna wuxuu joogaa heer aadami(humanity), wali isma aannaan cabbirin heerka aan joogno”. “Haddaan isku jaangoyno heer qaran waxbaa noo qabsoomaya”. Intaa wuxuu ku daray Prof. Ibraahim, in xukunka lagu tago 3dex masalo midkood taasoo labo kamid ah aanay hadda ummadda Soomaaliyeed fursad u haysan; sadexdaas waxa ay kalayihiin:

Comments are closed.