Dalkeenu Waa Hodan

Sawirkii Xamza Maxamed

Sawirkii Xamza Maxamed

“Calaf nimuu u diidoo cuni waaya mooyee, ciideenu waa hodan”. Dhulkeena oo Eebbe ku mannaystay xeebta ugu dheer Afrika, 3 webi, beero, xoolo nool iyo kalluuna leh ayaan intifaacsigiisii dhabta ah loo soo jeesan wali! Walow ay dowladdii KACAANKU in badan isku dayday ku baraarujinta dadka Soomaaliyeed ka faa’iideysiga khayraadka dalka, sida jillaabashada iyo cunidda ” kalluunka”, ayadoo loo sameeyay maalmo gooni ah oo la joojiyay qalitaanka xoola si loo cuno kalluunka ayaan dadaalladaas dheg daloosha Ku dhicin.

 

Dadaalladaas iyo kuwo kaloo badan oo looga gollaah isku tiirsanaanta iyo kordhinyta wax-soo saarka dalku, si dhab ah ugama daadegin quluubta dadweynaha Soomaaliyeed, lamana garanayo sababta gaarka ah ee kalliftay arrintaas, marka laga reebo tuhunka ah “waxaaga lagaa indho saab!”

 

Si kastba ha ahaatee, waxaa jirta xaqiiq ah in dadkeenu la qabsaday Ku tiirsanaanshaha deeqaha aan buurreyn ee dibindaabyada Ku ah beeraqodoshada iyo ka faa’iideysiga khayraadka dabiicigaa. Waxaa beryahan dambe dhaqan noqotay gacmo ka laabashada wax-soo saarka iyo sugidda sumuniyo iyo soor shisheeye oo helitaankeedu dhib badanyahay. Waxaad arkaysaa beerihii Afgooye, Jowhar iyo magaalooyin kale oo dadkii ay xeryo ka buuxaan ayagoo sugaya gar-gaar raashin oo 15 gacmood soo maraya. Inahaas iyo kuwo kaloo badan oo jira anakoo ka duuleyna, soo ma haboona in aan u kacno lasoo bixidda nimcada baddeena iyo birrigeena ceegaagta?

This entry was posted in Youth. Bookmark the permalink.

Comments are closed.