Dhiirrigelinta Qoraaga Soomaaliyeed

imageimageBarnaamijka dhiirrigelinta qoraaga Soomaaliyeed, waa barnaamij ay Central Youth Link ugu talo gashay, sare u qaadidda xaddiga agabka ku qoran Af-Soomaaliga. Waxaa sidoo kale looga gol leeyahay barnaamijkaan in lagu himmad geliyo da’yarta Soomaaliyeed ee jecel in ay afkooda hooyo wax ku qoraan.

Barnaamikaan oo ah kii labaad ee ay Central Youth Link isku taxalujisay qabsoomiddiisa ayaa maalintii Jimcada ee ay taariikhdu ahayd 19/12/2014 waxaa lagu soo bandhigay buug ay qortay Muno Maxamed Diirshe, kaasoo ay kaga hadashay dhibaatooyinka dumarka Soomaaliyeed kasoo gaaray colaadaha, iyo tacadiyada ay kala kulmaan waddamada shisheeye ee ay maganta u yihiin.

Waxaa sidoo kale fursad u helay golahan, Abuukar Aadan iyo Cabdimuncim Xaaji oo ka warramay buugag ay qoreen qaarna qoraalkooda ay gacanta ku hayaan. Abuukar Aadan ayaa sheegay in uu wax ka qoray “aruurinta canshuuraha ee ku salaysan nidaamka casrigaa iyo buug kale ee uu kaga hadlay “Federaalka maanta”.

Dhab ahaantii, golahan wuxuu soo jiitay yiddidiilada dhallinyaro cusub oo doonaya in ay wax qoraan, kuwaas oo ay ka mid yihiin, kuwo weli daba taagan himiladoodii ahayd in ay qoraan waxa maankooda ku jira iyo wixii ay nolosha ka barteen.

Barnaamijkaan oo ay kasoo qayb galeen ardayda Jaamacadaha Muqdisho wax ka barta oo tiradooduna kor u dhaafayso 130 arday ayaa Central Youth Link ku bogaadiyey qabashada iyo abaabulidda fagaareyaasha noocan oo kale ah.

Barnaamijka dhiirrigelinta qoraaga Soomaaliyeed oo faah faahsan, waxaad kaga bogan doontaan qormada xigta haddii Alle idmo.

This entry was posted in Youth. Bookmark the permalink.

One Response to Dhiirrigelinta Qoraaga Soomaaliyeed

  1. Cabdul Axmed says:

    Waa in aan u diyaar garownaa qabashada goleyaasha/fagaareyaasha nocan oo kale ah……….waayo dadka Soomaaliyeed waxay inaga sugayaan wax weyn.

Faalo ka bixi