Diyaar-garaynta Miskaxda Soomaaliyeed

1da July, 2012: Saqdii dhexe, Rognan, Norway.Qoraa Keenyaan ah oo qoray buuggii caanka ka ahaa dugsiyada sare ee Kenya “My Life In Crime” ayaa wuxuu yiri sidatan, “haddii been aad alliftay aad ku cel celiso dhawr jeer, adigii allifay baa run u malayn doona”! Hadaba, marka maalinkasta dhegtaadu maqasho “Madaxweynaha Dowladda B, T iyo J, soo naftaadu aqbali mayso muddo kaddib jiritaanka madaxweyneyaal siman oo isku awood, sharaf iyo maamuus ah? Soo aaminimeysid jiritaanka dalal iyo ummado madax-bannaan oo xuduudo la yaqaan leh?

Haddiiba biyo-dhaceenu halkaas noqon doono,,maannu kala danaysanno inta goori goor tahay oo aannaan maal iyo mood beelin, ama balaayo kale inoo talin? Madaxweyneyaal iyo Dowlado is garab socda, soo macniyan kama dhigna qab-qableyaashii Xamar ka jiri jiray oo kale? Su,aalahan aan isweydiinayno, akhristoow, gooni uma quseeyaan maamulka qoyskaaga iyo kayga, balse waxay quseeyaan Soomaaliya iyo Soomaali oo dhan, taasoo adiga, aniga iyo maalaayiinkaleba ay qayb ka yihiin. Maxay tahay danta ku jirta 15 madaxweyne oo is feer socda?!

This entry was posted in Youth. Bookmark the permalink.

Comments are closed.