Hey’adda Codka Dhallinta Soomaaliyeed (CYL): Bogaadin iyo hambalyo

Annagoo ah muwaadiniin soomaaliyeed kuna midoobay hey’adda Codka Dhallinta soomaaliyeed ee (CYL) oo og dhibaatooyinka (siyaasadeed, nabad gelyo, dhaqaale iyo bulshadeed) ee ka taagan dalkeenna ayaan waxan go’aansannay in aan taageero iyo garab istaag u fidinno cidkasta oo aan isleennahay maanta waxay samata bixin karta Soomaaliya.

 

Dhawaan waxaa dhidibada loo taagey maamul goboleedka Gal Mudug (GM) sidoo kale dowlad goboleedka GM waxay soo dhiseen gole wasiirro. Dhamaantood waxaan u direynaa hambalyo iyo bogaadin, si gaar ah waxaan ugu hambalyeyneynaa agaasimihii hore ee Hey’adda CYL oo kasoo dhexmuuqday golaha wasiirada GM.

 

Codka Dhallinta soomaaliyeed ee (CYL) waxay talo usoo jeedinayaan guud ahaan golaha wasiirrada GM, gaar ahaan wasaaradda qorsheynta ee maamul goboleedka Gal Mudug.

Maamul goboleedka GM waxaan ugu baaqeynaa in ay si firfircoon uga qeyb qaatan dib u dhiska dalka, loona dhego nuglaado dowladda dhexe ee Soomaaliya si looga gudbo is barbaryaacii ragaadiyey horumarka dalka, isla markaana uu maamulka GM tusaale u noqdo dhammaan mamul goboleedyada kale ee Soomaaliya maanta ka jira ee aan islana socon kalana socon.

Talo-soojeedin !

 

  • Codka Dhallinta soomaaliyeed ee (CYL) waxay talo usoo jeedinayaan guud ahaan golaha wasiirrada GM, gaar ahaan wasaaradda qorsheynta ee maamul goboleedka Gal Mudug in ay si firfircoon uga qeyb qaadato dib u dhiska dalka loona dhago nuglaado dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyadoo tusaale ay u noqonayso dhammaan mamul goboleedyada kale ee Soomaaliya maanta ka jira.
  • Codka Dhallinta waxay ay ku baraarujineysaa dhammaan maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya maanta in ay muujiyaan midnimo, isku duubnaan, kala danbeyn, is tixgelin iyo is xurmeyn si sare loogu qaado geeddi socodka wanaag abuurista iyadoo la hiigsanayo hogaaminta dalka iyo dadka soomaaliyeed ee qaran la’aanta ahaa ku dhawaad 25 sano, welina aad mooddo inaan loo bislaan u deg degidda halka masalxadda dadka iyo dalku ay ka dhow dahay.
  • Waa in go’aamada GM ay salka ku hayaan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyadoo is fahamka iyo isla garashada ummadaha dantu kala dhexeyso aad loo tixgelinayo.
  • Waa in daacadnimo, geesinimo, dadaal, garasho iyo hufnaan laga muujiyo shaqada loo hayo shacabka Soomaaliyeed si uusan wax qabadku khasaare u keenin .
  • Hey’adda Codka Dhallinta (CYL) waxay ku baaqeysaa in la abuuro iskaaashi siyaasadeed oo salka ku haya, waddaniyad iyo is xurmeyn lana ogaado in siyaasaddu tahay shaqo sare oo lagu gaarayo ujeeddooyin sare sido kale la wanaajiyo xiriirka GM kala dhaxeeya dhammaan maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya .
  • Ugu danbeyn waxaan u mahadnaqeynaa Allihii na abuurtay ee noo suurageliyey caafimaadka iyo xoriyadda aan maanta haysanno kadibna waxaan u mahadcelinaynaa cid kasta oo tixgelisa taladeenna dhammaan ama qayb kamid ah gaar ahaan wasiirrada GM ee uu ugu horeeyo wasiirka qorsheynata mudane Cabdulqaadir Axmed Warsame oo xusuus iyo tixgelin gaar ah ku leh Hey’adda CYL.
This entry was posted in Youth. Bookmark the permalink.

Faalo ka bixi