Hoggaamiyuhu Waa Bulshadiisa

Horn Youth United CeremonyHaddii aan samaano, hoggaankuna wuu samaan. Sida qof caafimaadqaba uu ugu bukoodo dhexjoogida dad jirran, hoggaanka fiicanina wuu ku dhex doorsoomaa, oo ku dhex jirradaa bulshada xun. Haddii aan samaanana, oo wanaagga iyo waxa inaga dhexeeya aannu wada ilaashano, way yartahay in ay dhacdo, in hoggaanku waxa aan rabno uu dhinac maro. Xigmad iyo xadiis wuxuu ahaa ma haleelee, “hoggaamiye kasta waa qoomkiisa”, sidaas awgeed, haddii aan isku-duubni, midnimo, dal-jacayl iyo danguud ilaalin u wada qunno, waxaa hubaal ah in keenna xuni aanu heli doonin waddo uu u maro waxa uu ku hammiyayo.

 

Masuuliyadda ina saaran walow ay badan tahay, waxaa lagama maarmaan ah in aan u wada qunno ilaalinta dalkeena. Sidee u ilaalin karraa dalkeena? Adiga hakaa bedbaado — ha samayn– wax lid ku ah. Shaqada aad qabanayso ha ahaato mid aan waxyeello gaarsiinayn dalka, dadka iyo deegaanka. Hoggaamiye xun, haku difaacin xumaantiisa adigoo qabiil fiirinaya. Qofka Soomaaligaa waa walaalkaa, waa kugu dal, waa kugu diin, waana kugu diir. Hakaa nabad galo. Qof dhakhtar, injineer, macallin, boolis, milatari (daljir) inoo noqon lahaa maxaa loo dili?!

This entry was posted in Youth. Bookmark the permalink.

Faalo ka bixi