Jiilka Cusub; Gabdhaheena

Ayadoo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ay dalka halakeeyeen dhibaatooyin amni darro, dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo gurracan, isla mar ahaantaasna arrimaha dalka wax laga weydiin jiray, hoggamiyaal is-magacaabay oo danahooda siyaasadeed sii marsiin jiray tubta qabyaaladda, ayaa waxaa sanooyinkan dambe soo badanaya dhallinta huwan dareenka waddaninimo, kuwaas oo u badan gabdho. Walow aanay jirin, diwaan rasmi ah oo lagu xaqiijin karo tiradooda, waxaa in dhawaalaba isa soo tarayay, tirada gabdhaha ah ee ay ka muuqato waddaniyadda.

Waxaa laysla qiray in dal jacaylkii iyo aaminsanaanta lahaanshihii dhul, uu maanta ku haray gabdhaheena. Ayaandarro, raggii Soomaaliyeed waxa ay u bateen kor ka Soomaali! Waxaa soo shaac baxay midkasta oo wax saxiixay, saxiixaas oo dalka iyo dadka liddi ku ah uu ahaa nin. Maanta oo aan jogno, waxa khayradka dalka oo aan wali shuruucdii lagu maamulilahaa la diyaarin saxiixaya oo shirkado aanba horay usii jiri jirin u saxiixaya rag masuuliyad weyn ku magacaaban. Goorma ayaa khayraad dal soo saaristiisa la gali garaa?

Waxaa dal khayraadkiisa la gudo gali karaa in laoo saaro marka, 1) ay jirto nabadgelyo, 2) Dowlad ka talisa dalkoo idil, taasoo awood u leh daaficidda xuduudihiisa dhuleed, biyood iyo mid hawo intaba iyo, 3) in uu jiro sharci cad oo qeexaya sida khayraadka dalka looga faa’iidaysanayo. Aan u noqono mawduucenii ahaa jiilka cusub iyo waddaniyaddee, waxaa lagama maarmaan ah in aanu dhiiro galino gabdheheena, kuna taagerro dal-jacaylka, waddaniyadda iyo hal-abuurka. Waxaan la illaawi karin kaalintii iyo doorkii caddaa ee dumarkeenu ka qaateen xoraynta Jamhuuriyadda Soomaaliya.

This entry was posted in Youth. Bookmark the permalink.

Faalo ka bixi