Galitaankii Kenya Ay Gashay Soomaaliya iyo Danaha Dahsoon

Ciidanka Dalka Kenya Oo Xudduudda Ka Tillaabay Oktoobar 16, 2012

Ciidanka Dalka Kenya Oo Xudduudda Ka Tillaabay Oktoobar 16, 2012

16 kii Oktoobar, 2011 kii ayay ahayd markii ciidamo Kenyan ah oo lagu sheegay 3000 oo askari, balse la aaminsanyahay in ay caddadkaas aad uga badanyihiin ay ka gudbeen soodinta kala qaybisa labada dal, taasoo ay Dowladda Kenya ku macnaysay in ay jawaab u tahay af-duub ay kooxda Al-Shabaab ka gesatay gudaha dalkeeda, ayadoo intaas raacisay in ciidankeedu uu baaqi ku ahaan doono gudaha dalka Soomaaliya tan iyo inta ay ka cirib tirayso kooxda Sii Akhri »

Posted in Youth | Leave a comment

Baarlamaanka Cusub iyo Yiddidiilada Ummadda

Kaddib doorashadii Mudaneyaasha Baarlamaanku ay u doorteen Prof. Maxamed Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (GBJFS) 28 kii Agoosto, 2012 ka, ayaa waxaa isa soo taraya rajada ummaddu ay ka qabto baarlamaanka cusub. Rajooyinkaas oo isugu jira kuwo waqtiga dhaw (Agoosto 28 illaa Diseembar 2012) iyo wixii ka dambeeya dhammaadka sanadkan (Jan 2013 – Ag 2016) ayaa waxay isu dhexyaallaan sidatan. Sii Akhri »

Posted in Youth | Leave a comment

Guddiga Farsamo ee Xulista (Technical Selection Committee)

Natiijada Agoosto 2012
Sida ku cad heshiisyadii ay saxiixeen lixda (6) majaraha u haya soo afjaridda jiritaanka DFMK waqtigeeda iyo hirgalinta dastuurka tuhunka badan ka buuxo, shacabkuna uusan ku lahayn codka iyo mugga, qodobkiisa 5.1.2 Dhisidda Guddiga Farsamo ee Xulista (Technical Selection Committee), waxaa laga dheehan karaa waxyaabahan; Sii Akhri »

Posted in Youth | Leave a comment

Heshiiska Borotokoolka Lagu Dhisayo Golaha Dastuur-Ansixinta Qaranka Soomaaliya

Saxiixayaasha Qorshe-Hawleedka (Roadmap) Soomaaliyeed, 2012
Heshiisk Borotokoolka Lagu Dhisayo Golaha Dastiirka-Ansixinta Qaranka Soomaaliya
Waxaa la guddoonsaday 22 June 2011

Heshiiska ay saxiixeen oo dhamaystiran halkan ka akhri

Posted in Youth | Tagged , , , , , , , , , , | Leave a comment

Talo Soojeedin Sidii looga Gudbi Lahaa Xilliga Kalaguurka

Waxaa soo Gudbiyay
Ibrahim Farah
Muwaaddin Soomaaliyeed

Ascww Soomaaliyeey,
Salaantaas qaaliga ah ee Islaamka ka dib, waxaan idin soo gudbinayaa saddex iyo toban (13) farriimood oo aan ugu talo galay in aan isla fiirinno sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah weliba si noo wada cuntanta oo aan qof, qolo, iyo koox gaara toona u xaglinayn: Akhri dhamaan

Posted in Youth | Leave a comment

Kaalinta Dadweynaha iyo Xilliga Kalaguurka

Waxaa soo dhawaday xilligii kala guurka ayada oo aan wali la helin ergadii shirweynaha ee ka doodi lahayd dastuurka lasoo qoray. Hadaba waa maxay doorka ay ciyaari karto bulsho weynta Soomaaliyeed? Kaalinta u furan bulshoweynta Soomaaliyeed waxaa weeye in ardada Jaamacadaha dalka iyo ururada bulshadu ay isha ku hayaan sida loo magacaabayo ergada 825ka xubnooda ee loogu talo galay in ay dastuurka ka doodaan. Sii Akhri »

Posted in Youth | Leave a comment

Central Youth Link (CYL)/Barta Xiriirka Dhallinta (BXDH)

Central Youth Link/Barta Xiriirka Dhallinta
Maxaad ka ogtahay Central Youth Link/Barta Xiriirka Dhallinta?
Central Youth Link/Barta Xiriirka Dhallinta waa uru dhallinyaro ah oo la aasaasay 1dii Luuliyo, 2011kii, loona aasaasay raadinta, isku xirka iyo kobcinta garaadka iyo hal-abuurka dhallinta Soomaaliyeed si loo helo hoggaan wanaagsan oo Sooaamliya ay yeelato mustaqblak, kaasoo suurta galiya soo celinta wixii aan beri ahaan jirray; qaran mid ah oo awooda dhawridda, ilaalinta iyo difaaca xuduudihiis bad, cir iyo dhul intaba. Waxaan doonaynaa maamul iyo hoggaan aan qaranimada, madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya  dhaawac iyo gor gortan galinayn; waxaan doonaynaa madax iyo mudaneyaal baarlamaan oo waddaniyad, dhaqan iyo aqoon leh, Soomaaliyana u horseeda horumar, midnimo iyo caddaalad, isla mar ahaantaana ku shaqeeya rabitaanka iyo baahida shacabka.

Sii Akhri »

Posted in Youth | Leave a comment

Bogga Ingiriisiga ee CYL

Waxaa mar dhow haddii Eebbe idmo aannu soo dhammaystiri doonna qaybta Inigiriisiga ee bogga CYL, kaasoo aannu haatan gacanta ku hayno dhismihiisa. Marka uu soo dhammaado, waxaan rajaynaynaa in xubnaheena iyo akhristeyaasha guudba ay ka heli doonaan macluumaadka bogga.

Posted in Youth | Leave a comment

Sannad guuradii 1aad ee CYL

Waxaan ku faraxsannahay in ay si guulleh u buuxsantay sannad guuradii koobaad (1aad) ee kasoo wareegtay markii la unkay Central Youth Link (CYL), taasoo ahayd 1da Luuliyo 2011 ka. Sii Akhri »

Posted in Youth | Leave a comment

Hambalyo Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed!

CYL Waxay ku faraxsantahay sannad guuradii 52aad ee kasoo wareegtay Madaxbannaanidii Gobollada Koofureed iyo Is-raacii Koofur iyo Waqooyi, taasoo ku beegnayd 1da bisha Luuliyo 2012. Waloow ay jiraan dhibaatooyin badan oo dulsaaran Dalka iyo dadka Soomaaliya, waxaan marnama meesha ka baxayn in aan xasuusano halyeeyadii naftooda iyo maalkooda u huray madax-bannaanida dalkaan iyo dadkaan. Sii Akhri »

Posted in Youth | Leave a comment