Dabbaaldegga Maalinta Xornimada Soomaaliya oo Ka dhacday Rognan, Norway

Kowdii Luuliyo 2012, markay saacaddu ahayd 12ka saqdii dhexe waxaa isu soo baxay dadweyne fara badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.  Dhallinta ku nool Rognan, Norway oo ay kamid ahaayeen xubnaha CYL ee Rognan kama marrayn xuska kowda (1da) Luuliyo. Saqdii dhexe ayay koox koox dibadda ugu soo bexeen ayagoo ku luuqaynayay ” Ummad waliba calankeedu waa caynoo, innagana keenu waa cirkoo kalayee”.

Dhalinyaradaan oo wajigooda laga dheehan karay farxad badan, waxay ka rajo qabeen in habeen un ay sidaan oo kale isugu soo baxaan waddooyinka magaalooyinka dalkooda. Mar aannu wax ka weydiinna dareenkooda ku aaddan munaasabaddaan, waxay noo sheegeen in ay filayaan in bishaan Luuliyo ee bilatay ay noqon doonto bil ummadda Soomaaliyeed ay usoo baxaan halyeeyo ka dulqaada maamul xumada, musuqa, nabadgelyo darrada iyo kuwa wiiqaya magaca iyo sumcadda ummadda ee islahaysiiyay aayaha dalka iyo dadkaan faca weyn ee Soomaaliya.

Sidoo kale mar aan wax ka weydiinay waxa ay ka dhigantahay shanta farood ee ay kor u hayaan, waxay noo sheegeen in ay shanta farood u taagantahay xiddigta shan-geeska ah ee ka dhigan shanta Soomaaliya. Waloow ay bur burtay Dowladdii Soomaaliya 26kii Jannaayo  1991dii, waxaan wali bur burin rajada dhallinyarada Soomaaliyeed oo wali xambaarsan riyadii guyaal iyo guyaal soo jirtay ee ahayd Soomaaliweyn.

 

This entry was posted in Youth. Bookmark the permalink.

2 Responses to Dabbaaldegga Maalinta Xornimada Soomaaliya oo Ka dhacday Rognan, Norway

  1. Abdullahi says:

    CONGRATS

    Good dream for greater somaliweyn but first before thinking of that idea there is a somali saying OD (fence) SIDA AY ISA KORFUSHA AYA LOKALA QADAA .you can not just be born and start walking i think before we think of greater somalia its better for us to put our house order meaning the current south and northern western somalia after that is when we can think of the other remaing parts which is not an easy ride and also remember those somalis living there have their say.

  2. mahad says:

    maasha allaaaaaaaaaah waa wax lagu farxo sanadkaan sida looxusay maalinta 1 luulyo oo ah maalin si aad ah noogu wayn waxaan rajaynaa in ilaaah natuso anagoo wadan keena nabad noqdo oo aan sidaan iyo sikafiican aan uxisi karno

Faalo ka bixi